4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 5 , 2015
Ardayda Jam. Banaadir oo loo Furay Tababar la Xiriira daweynta Deg-dega ah


Khamiis, Feberaayo 05, 2015 (HOL) — Xarunta Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa shalay gelinkii-dambe ka furmay tababar ku saabsan daweynta deg-degga ah (Emergency Training and Treatment) oo loo qabtay qaar ka mid ah ardayda kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda dhigta iyo kuwii horay uga qalin-jabiyay ee dhaqaatiirta noqday.

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta, macallimiinta, ardayda Jaamacadda Banaadir iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay, kuwaasoo ay ku jireen qaar ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in tababarkan oo socon doona labo maalmood uu yahay kii ugu horreeyay noociisa ee Jaamacadda lagu qabto.

“Waxaa farxad ii ah inaan idin kala soo qeyb-galo furitaanka tababarkan ku saabsan daweynta deg-degga ah, waxaana u hambalyeynayaa dhamaan intii ka qayb-qaadatay diyaarinta tababarkan,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo si aad ah uga hadlay muhiimadda uu tababarkan leeyahay.

Dr. Dalmar ayaa intaas ku daray in tababarkan uu nuxurkiisu yahay qaabka ugu habboon ee dhakhaatiirtu ay u daweyn lahaayeen bukaannada ku jira xaaladaha deg-degga ah, isagoo ardayda loo qabtay ku boorriyay iney ka faaiideystaan.

Tababarkan ayaa waxaa soo diyaariyay dhakhaatiir horay uga qalin-jebisay kuliyadda caafimaadka Jaamacada Banaadir, dalkana kusoo laabtay kaddib takhasusaad ay kusoo qaateen dibadda sida uu sheegay guddoomiyaha Midowga Ardayda kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadaas, Aweys Colow Xasan.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda ka hadlay Dr. Xasan Kaafi oo ah hormuudka kuliyadda health Science ee Jaamacada Banaadir, Maxamed Cali Jaamac oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka yimid magaalada London iyo xubno kale oo ardayda loo furay tababarkan ku booriyey iney si hufan u u dhuuxaan macnaha iyo duruusta uu tababarkan xambaarsan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya