4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Baarlamaanka Somalia oo ka hadlay Xayiraadda kusoo Fool leh Xawaaladaha


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Baarlamaanka Somalia ayaa kulankoodii maanta ay ku yeesheen Muqdisho uga dooday caqabadaha xawaaladaha Soomaaliyeed ka haystay la shaqeynta bangiyada dalka Mareykanka oo iyagu dhowr mar joojiyay wada-shaqeynta ay la leeyihiin xawaaladaha Soomaalida; taasoo ay walaac ka muujiyeen dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka mid ahaa xildhibaannadii ka hadlay arrintan ayaa u soo jeediyay madaxda Soomaaliya ay dowladda Mareykanka kala hadlaan in arrintan laga hor-tago maadaama ay tahay mid saameyn weyn ku yeelan karta bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kulankii baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid taabanaysa qalbiga iyo dareenka baarlamaanka; isagoo ka dalbaday guddoonka iyo xildhibaannada Somalia in cod aqlabiyad ah ay kaga hortagaan tallaabadan isla markaas si wadajir ah loogu kaco sidii looga hortagi lahaa.

Intaa kaddib, xildhibaannada baarlamaanka ayaa dhageystay warbixintii ugu horreysay ee guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, iyadoo guddoomiyaha guddigan C/Samad Macallin Maxamuud uu sheegay in howsha loo igmaday guddigooda ay meel wanaagsan mareyso.

Doodda xildhibaannada baarlamaanka ay maanta ka yeesheen go’aanka uu ku doonayo bangigii ugu dambeeyay ee xawaaladaha Soomaalidu ay xiriirka la lahaayeen, iyadoo la filayo in bangiga kusoo beegmaysa iyadoo lagu wado in Merchants Bank of California uu joojinayo xiriirka xawaaladaha Somalida lixda bishan Feberaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida gudaha dalka Soomaaliya ku nool ayaa in badan oo ka mid ah waxay ku tiirsan tahay lacagaha ay dalka dibaddiisa uga soo diraan ehelladooda caalamka ku firirsan.

AKHRISO: Warbixin la xiriirta xayiraadda kusoo socota Xawaaladaha Soomaalida

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya