4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Xasan Sheekh iyo Sharma'arke oo la kulmay Madaxda Maamullada Gobollada


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo ra’iisul wasaarihiisa, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay madaxda maamul-gobolleedyada dalka oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyeyaasha qado sharafta loo sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa; madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, kan maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo midka Koonfuur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Booqashada madaxdan ay Muqdisho ku yimaadeen ayaa la xiriira martiqaad ay ka heleen madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, si kulamo uga yeeshaan xiriirka maamullada dalka iyo dowladda dhexe u dhexeeya.

“Ahmiyadda socdaalkan waa in wadatashi uu dhexmaro madaxda dowladda Somalia iyo mas'uuliyiinta maamulada gobollada dalka, iyagoo xog kala qaadan doona, kana tashan doona arrimaha qaranka horyaalla,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo uu wehliyo raiisul Wasaare Sharma’arke ayaa billaabay qadada kaddib inay kulammo wadajir ah la yeeshaan madaxda maamullada gobollada ka socda.

Ugu dambeyn, kulamada wadatashiga ah ayaa socon doona laba maalmood, iyadoo la filayo in gaba-gabada kulammadan laga soo saaro war-murtiyeed loo wada dhan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya