4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Howlgallo Dad badan lagu soo Qabtay oo laga Sameeyay Degmada Yaaqshiid


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Booliiska iyo Nabad-sugidda Soomaaliya oo garab ka helaya booliiska AMISOM ayaa maanta howlgallo dad fara badan lagu soo qabtay ka sameeyay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo uu ka warbixiyay howlgalkan taliska booliiska degmadaas.

Ciidamadan ayaa howlgalka ka sameeyay xaafadda Towfiiq, iyadoo ciidanku ay baarayeen dadka iyo gaadiidka; iyagoo gacanta ku dhigay dad badan oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanyihiin kooxaha Al-shabaab.

Saraakiisha howlgalka horkacayay ayaa sheegay in inta badan dadkii ay ku qabteen howl-galka ay sii-daayeen, balse ay weli gacanta ku hayaan toddoba qof oo baaritaanno dheeraad ah ay u dhiman yihiin.

Waxaa howlgalkan ka wrbixiyay G/dhexe Maxamed Yuusuf Nuur oo ah taliyaha booliiska Yaaqshiid ayaa saxaafadda u sheegay in howlgalkan uu qayb ka yahay howl-gallada lagu adkeynayo amniga.

“Howlgallada noocan oo kale ah way sii socon doonaan, illaa amniga guud ee degmada laga xaqiijinayo, waxaana bartilmaameedsan doonnaa cid walba oo looga shakiyo inay xiriir la leedahay Al-shabaab,” ayuu yiri taliye Nuur.

Dhanka kale, howlgalkan ayaa waxaa barbar-socday mashruuc nalalka ku shaqeeya cad-ceedda lagu gelinayay waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu hirgelinayo maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa wuxuu imaanaanayaa iyadoo dhowr maalmood ka hor ay ciidamada amniga dowladdu howlgallo ka sameeyeen jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasoo lagu qabqabtay dad badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya