4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Maxkamadda Ciidamada oo Xukuno ku ridday dad ku eedeysan Shabaabnimo

Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar eedeysane oo loo haystay dambiyo kala duwan, iyadoo eedeysanayaashan la sheegay inay ka tirsan yihiin xoogagga Al-shabaab.

Mascuud Khaliif Daahir oo ka mid ahaa eedeysanayaashii maxkamadda la horkeenay kuna eedeysnaa in lagu qabtay bastoolad uu ku weeraray wadaad ku jiray masjid iyo inuu Al-shabaab ka tirsan yahay ayay maxkamaddu ku xukuntay sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale, Nuur Isgoow Mad Isaaq oo isna ku eedeysnaa inuu Al-shabaab ka tirsan yahay lana sheegay inuu qirtay inuu amniyaadka Al-shabaab ka tirsan yahay ayay isna maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

C/qafaar Daahir Tuuryare oo ka mid ahaa eedeysanayaashii maxkamadda la horkeenay ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu yahay sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab, uuna qaabilsanaa qaybta hub-gudbinta, waxayna maxkamaddu ku xukuntay toban sano oo xabsi ah.

Ugu dambeyn, C/qaadir Maxamed Jaamac oo isna loo haystay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, gaaar ahaan qaybta amniyaadka ayay maxkamaddu ku xukumay toban sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunnada kala duwan ee maxkamaddu ridday kaddib ayuu afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida, Col. C/llaahi Muuse Keyse wuxuu sheegay in eedeysanayaashu ay rafcaan ka qaadan karaan xukunnadan.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ay xukunno xabsi iyo dil ah ku riddo xubno lagu soo eedeeyay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya