4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
SOUTH AFRICA: Maxkamad lacag damiin ah weydiisatay ganacsade Somali ah


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Ganacsade Somali ah oo lagu magacaabo Cabdi-Xaashi Sh. Yuusuf oo ku eedeysnaa inuu wiil 14-jir ah oo lagu dilay deegaanka Soweto ayay maxkamaddu ka dalbatay inuu bixiyo lacag gaaraysa R3000 oo lacagta South Afrika ah, balse wuxuu sheegay in uusan lacagtaas bixin karin, wax lug ahna uusan ku lahayn dilka wiilkaas.

Yuusuf ayaa xusay inuu doonayo in baaritaanno dhab ah lagu smeeyo cidii ka dambeysay dilka wiilkan oo lagu magacaabo Siphiwe Mahori kaasoo 19-kii Janaayo ee sannadkan lagu dilay toogasho.

“Anigu waxaan ogahay oo keliya inaan xiray dukaankeyga markii aan goobta ka maqlay buuq fara badan, dad badan ayaana xilligaas saarnaa dukaanka korkiisa, halka kuwo kalena ay isku dayayeen inay dukaanka soo jabiyaan,” ayuu ku dooday Yuusuf.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in isaga iyo walaalkii ay dibadda ka maqleen rasaas dhacaysa, balse uusan isagu waxba lug ah ku lahayn dilka wiilkaas aan qaan-gaarin.

“Ruuxa rasaasta ridayay wuxuu jiifay illinka dukaankeenna, aniga iyo wiil ila dhashayna waxaan hoosta ka xiranay dukaanka, muddo kaddibna waxaa goobta soo gaaray booliiska,” ayuu Yuusuf maxkamada ka hor-sheegay, isagoo intaas ku daray. “Dibadda uga soo baxay dukaanka waxaan arkay wiil yar oo dhulka yaalla, kaasoo ay rasaas ku taallo.”

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo dukaan ku leh duleedka Soweto ayaa xusay in dambiga lagu eedeeyay ee ah dilka wiilkan Koonfur Afrikaanka ah uusan wax lug ah ku lahayn, hub uu haystana uusan jirin.

Cabdi-Xaashi Sheekh Yuusuf ayaa ka mid ahaa ajaanib eedeymo kala duwan loo haystay oo la horkeenay maxkamadda, wuxuuna goobta ka sheegay inuu waayay in qoxootinimo loo qaabilo tan iyo markii uu yimid Koonfur Afrika oo ahayd sannadkii 2006-dii.

Yuusuf ayaa maxkamada u sheegay in jir-dil xooggan loogu geystay gudaha xabsiga, wax gargaar ahna uusan ka helin booliiska gacanta ku haya xabsigii uu ku xirnaa tan iyo bishii hore.

Ugu dambeyn, garsooraha maxkamada Pretoria oo lagu magacaabo Herman Badenhorst ayaa dib u dhigay dacwadda, isagoo xusay in sida ugu dhaqsiyo badan loogu soo celin doono maxkamadda si dacwadda loosoo af-jaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya