4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Ciidamada gobolka Hiiraan oo la wareegay deegaanno hoos-taga Buula-burte

Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa maanta gudaha u galay deegaan lagu magacaabo Abooreey oo hootaga degmada Buula-burte.

Col. C/llaahi Barre oo ah taliyaha howlgalada ciidanka degmada Buulo-burte ayaa sheegay inay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Aboorey oo sida uu warbaahinta u sheegay in muddo ahba ay gacanta ku hayeen xoogagga Al-shabaab.

''Wax iska horimaad ah kalama kulmin, markii ay ogaadeen in aan ku soo socdo deegaanka ayaa halkaa isaga carareen, waxaan ugu tagnay gadiid badan oo ay lahaayeen ganacsato reer Buula-burte ah oo halkaa ay ku heysteen, waana ka sii deynay ayuu yiri,'' C/llaahi Barre.

Wuxuu intaa raaciyay in maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin deegaano kale oo hoos-taga degmada Buula-burte, oo ay ku xoog badan yihiin Al-shabaab.

Xarrakada Al-shabaab ayaa wali go'doomin ku heysa dhaq-dhaqaaqa ganacsiga degmada iyagoo aan ogleyn in ay gallaan  gadiidka sidda badeecooyinka kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya