4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Ra'iisul Wasaare Cumar oo kulammo la qaatay Xubno ka tirsan Baarlamaanka


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa kulammo la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia, isagoo kala hadlay wasiirrada uu soo magacaabayo.

Mudane Daahir Aamiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu kulammo kala gooni-gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha golaha barlamaanka Soomaaliya, isagoo hab beel ahaaneed ula kulmay.

“Intaan ogahay, ra’iisul wasaaruhu wuxuu kulammo la qaatay xildhibaanno ka tirsan baar-lamaanka Soomaaliya, isagoo hab beeleed ula kulamay, kalana hadlay qabkii loo gudbin lahaa wasiirrada magacaaban iyo kuwa dhiman ee uu soo magacaabayo,” ayuu Jeesoow yiri.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa intaa ku daray in ra’iisul wasaaruhu uu xildhibaannada ka dalbaday inaan dib loo eegin waxyaabihii horay loosoo maray, balse horay loo sii socdo, si xukuumadda uu soo dhisayo ay u noqoto mid shaqeysa.

Mar la weydiiyay waxyaabihii gaarka ahaa ee looga hadlay kulamada isagoo ku jawaabay. “Ma doonayo inaan saxaafadda ka sheego wixii looga hadlay kulammada, balse waxaan sheegayaa in rajo wanaagsan laga qabo in baarlmaanka ay gudbi doonto xukuumadda lasoo wado.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa laga sugayaa inuu dhowrka maalmood ee soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, iyadoo sidoo kale ay soo gaareen Muqdisho madaxweynayaasha maamullada dalka qaar ka mid ah, kuwaasoo la filayo inay qayb ka noqdaan ka hadalka wasiirrada lasoo magacaabayo.

Si kastaba ha ahaatee, Sharma’arke ayaa laba jeer oo hore ka dalbaday in baarlamaanku uu siiyo waqti dheeraad ah oo uu kaga baarandago dhismaha xukuumaddiisa, isagoo dib u dhigay in wasiiradii uu soo magacaabay uu golaha shacabka horkeeno, sababo la xiriira caqabado kaga yimid xildhibaannada baarlamaanka qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya