4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Sirdoonka Somalia oo Shaaciyay in duqeyntii Diinsoor lagu dilay Sarkaal sare


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Hay’adda nabadsugidda Soomaaliya ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay kaga warbixisay duqeyntii ka dhacday deegaan ku dhow degmada Diinsoor ee gobolka Bay, taasoo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

War-saxaafadeedka NISA ayaa lagu sheegay in wada-shaqeyn dhex-martay hay’adda sir-doonka iyo babad-sugidda Qaranka iyo saaxiibo caalami ah ayaa 31—kii bishii hore ee Janaayo saacaddu markay ahayd 5:00 PM, waxaa lagu  dilay weerar xagga cirka ah sarkaal sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab.

“Sarkaalka duqeynta lagu dilay waxaa lagu magacaabi jiray, C/Nuur Mahdi oo kooxda Al-shabaab u taqaanay - Yuusuf-dheeg - oo sidoo kale isticmaala magacyo kale, iyadoo ay wehliyeen xubno kale ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen duqeyntan cirka ah oo ka dhacday meel u dhow Diinsoor,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NISA.

Hay’adda nabadsugiddu waxay sheegtay in sarkaalkan uu sidoo kale ahaa isku-duba-ridaha iyo qorsheeyaha weerarrada gaadmada ah Somalia iyo dalalka kale lagu qaado, wuxuuna ahaa baa la yiri madaxda ay ku duusho Al-shabaab.

“C/nuur Mahdi wuxuu diyaarin jiray qaraxyada isugu jira is-qarxdinta; isla mar ahaantaana waxaa la aamisan yahay inuu ahaa udub-dhaxaadka Al-shabaab,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta hay’adda sirdoonka.

Illaa hadda mahayno weerarkaas duqeynta ah kaddib dad shacab ah oo wax ku noqday. Iyadoo afhayeen u hadlay Mareykanka uu sheegay inay baaris ku hayaan khasaarihii ka dhashay duqeyntaas.

Si kastaba ha ahaatee, duqeyntan ayaan weli ka hadlin duqeyntan iyo wixii khasaare ah ee ka dhashay, iyadoo NISA ay hadalkeeda ku dartay in tani ay daliil u tahay qorshayaasha hay’adaha amniga dalka uga degsan cirib-tirka Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya