4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Karaan ee Gobolka Banaadir

Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, toddoba qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa wuxuu ahaa miino gaarigiisa loogu xiray gaar sarkaal ka tirsan milteriga Soomaaliya, iyadoo la sheegay inaanay jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray qaraxan sarkaalkii gaarigiisa lagu xiray.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Axmed Xasan Yaloow ayaa sheegay inuu ku dhintay qaraxa wiil dhallinyaro ah, toddoba kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaalka Keysaney.

“Dhaawcyadii ka dhashay qaraxa waxaa la geeyay isbitaalka Kenysaney oo duleedka bari kaga beegan magaalada Muqdisho halkaasoo lagu daweynayo, waxaana socda baaritaanno ku aaddan ciddii qaraxan ka dambeysay,” ayuu yiri Yalaxow.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha nafeed geystay oo ahaa mid aad u xooggan, iyadoo qaraxyada noocan oo kale ah ay ka mid yihiin kuwo si aad ah ugu soo kordhayay Muqdisho xilliyadii dambe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya