4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba oo Soo Gaaray Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sh. Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyagoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Gaas iyo Madoobe ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen sidii ay madaxda Somalia oo ay kala hadli doonaan horumarinta dalka iyo sidii xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada gobollada dalka ka jira loo xoojin lahaayeen.

C/weli Gaas oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay in Muqdisho ay u yimaadeen sidii ay wadatashi siyaasadeed madaxda Soomaaliya ula yeelan lahaayeen, ayna dhowr maalmood joogayaan Xamar.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubba, Axmed Madoobe oo warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa sheegay in socdaalkooda uu salka ku hayo sidii ay wadahadallo ula yeelan lahaayeen madaxda dalka ayna kala hadlaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka maamullada dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya u dhexeeya.

Hoggaamiyeyaashan ayaa waxaa garoonka diyaradaha Muqdisho kaga hor-tagay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyadoo imaanshahooda uu kusoo beegmayo xilli la filayo in ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu goor-dhow ku dhawaaqo gole wasiirro.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay maanta iyo berri kulammo la yeeshaan madaxda Soomaaliya, iyadoo markii uu kulammadu dhamaadaan lagas oo saari doono warbixin ku saabsan wixii looga hadlay iyo qodobbadii la isku af-gartay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya