4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo Muqdisho u Ambabaxay [SAWIRRO]

Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) —  Wafdi uu horkacayo madaxweeynaha maamulka Jubbaland Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta u ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, halkaasoo uu ka furmayo shir u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan madaxweeyneyaasha maamullada ka dhisan dalka ayaa la filayaa ino  uu furmo maanta, iyadoo uu socon doono mudo laba maalmood ah.

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu uga qeybgeli doono shir uga furmi doona madaxda maamul goboleedyada, kaasoo uu sheegay in looga hadli doono sidii la isaga kaashan lahaa horumarka islmarkaana looga gudbi lahaa dhibaatooyinka jira.

Waxyaalaha diirada lagu  saari doono shirkan ayaa waxaa kamid noqon doona hiigsiga 2016, sidii ay maamul goboleedyada u yeelan lahaayeen wada shaqeyn toos ah iyo weliba sidii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada ka jira dalka ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn toos ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya