4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Madaxii hore ee sirdoonka oo ku matalaya Somalia shir looga hadlayo amniga


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Madaxii hore ee nabadsugidda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (San-baloolshe) ayaa Somalia ku matalaya shir looga hadlayo Amniga iyo la-dagaalanka argagixisada Afrika, kaasoo ka furmaya maanta magaalada London ee dalka Britain.

Shirkan oo socon doona laba casho ayaa lagu dhageysan doonaa warbixinno ku saabsan arrimaha looga hadlayo, iyadoo kulankan intiisa badan lagu falan-qeyn doono ammaanka Qaaradda Afrika, waxyaabaha caqabadda ku ah.

Inta uu kulanku socdo ayaa xubnaha ka qaybgalaya waxay faahfaahinno ka bixin doonaan dhibaatooyinka dhinaca argagaxisada iyo amniga ah ee Afrika ka jira, si ay xal waafi ah uga gaaraan.

Kulankan oo noqonaya kii labaad oo looga hadlayo arrimaha argagaxisada iyo amniga Afrika, ayaa sannadkan waxaa lagu eegi doonaa khataraha sida aad ah ugu hor-gudban waddamada Afrika.

Mudane Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa inuu shirkaas ka jeediyo khubad ku aaddan amniga Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada; iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, madaxii hore ee sirdoonka Somalia ayaa bishii hore loo magacaabay wasiir amniga Qaranka, inkastoo xukuumaddaas uu dib uga laabtay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay inuu ka baqay inay kalsooni ka heli waydo baarlamaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya