4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo Magaalada Muqdisho u Ambabaxay
http://www.calankamedia.com/cmtool/files/abdiweli-gas.jpg
Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka duuley garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe iyagoo ku wajahan caasumada dalka ee Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo wasiiro ku jiraan waxaa casumaad rasmi ah u fidiyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka qayb geli doonaan shir looga hadlayo xoojinta xiriirka u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Arimaha shirkaas diiradda lagu saari doono waxaa ugu muhiimsan dhismaha ciidan qaran, kaas o ay diyaarintiisa si wadajir isaga kaashan doonaan Dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyadu.

Dhanka kale, waxaa iyaguna maanta Muqdisho soo gaaraya madaxweyneyaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysey ee Cabdiweli Gaas Muqdisho ku gaaro laga soo bilaabo markii Puntland iyo Dowlada Federaalku bishii August ee lasoo dhaafay Garoowe heshiiska ku kala saxiixdeen.

Faah faahin dheeri oo ku saabsan booqashada Cabdiweli Gaas ku tegey magaalada Muqdisho wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya