4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Hay'adda SOYDEN oo Kismaayo ku Qabtay Kulan lagu dhisay Guddi Nabadeed


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Waxaa shalay oo taarikhdu ay ahayd 03-dii bishan Feberaayo 2015-ka lagu soo gaba-gabeeyay degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose shir socday sedex maalmood; kaasoo lagu dhisay guddiga nabadda ee Kismaayo.

Shirkan oo ay waday hay’adda SOYDEN oo gacan ka helaysa hay’adda Conflict Dynamics International (CDI) ayaa waxay ka mid ahayd howlaha wax looga qabanaayo nabadeynta iyo dib u hishisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb-galay bulshada qaybaheeda kala duwan oo gaaraya illaa 110-qof, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, gaar ahaana maamulka Kismaayo iyo midka gobolka Jubbada Hoose.

Soo xulitaanka xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa ku timid xog ururin lagu sameeyey qaabka nabadda looga shaqeyn karo iyo dadka hadda ku howlan nabadda si guddiga la dhisayo uu u noqdo kuwo xubnihiisu ay fikir weyn ka haysta nabadda.

Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay guddoomiyaha magaalada Kismaayo, ahna duqa degmada, Ibraahim Timo-jilic. isagoo sheegay inay aad u soo dhaweynayaan una mahad-celinayaan hay’adaha SOYDEN iyo CDI oo gacan ka geystay qabsoomidda shirkan.

Guddigan wuxuu la shaqeyn doona maamulka degmada Kismayo, odoyaasha dhaqanka, culumo’udiinka, haweenka iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya nabadda, waxaana laga rajeynayaa inuu gacan ka geysto hirgelinta dib-u-heshisiinta bulshada ku nool Kismaayo, taasoo laga billaabayo salka hoose.

“Jubbaland waxay nasiib u heshay in maamul ay yeelato, laakiinse aasaaska maamulka wuxuu u baahan yahay in la adkeeyo; sida kaliya ee lugu adkeyn karana waa in wadahadal uu dhex-maro dadkii dhibku kala gaaray oo lasoo celiyo is-aaminaadii... iyadoo loo marayo waddada is-cafinta,” sidaas waxaa yiri u qaybsanaha mashruucan ee hay’adda SOYDEN, C/llaahi Aadan Barre.

Mudane Barre ayaa intaa raaciyay in hay'ada Soyden ay balan-qaadeyso sidii arrintan ay gacan ballaaran ugu geysan lahayd; isla mar ahaantaana loosoo celin lahaa is-aaminada bulshada u dhexeeya.

Sidoo kale, madaxa mashruuca hay’adda SOYDEN, Aadan Cabadullaahi Barre ayaa uga mahadceliyay maamulka Jubba iyo qaybaha bulshada sida wanaagsan ee ay uga qayb-qaateen barnaamijkan.

Gudigga nabadeynta degmada Kismaayo eee lasoo doortay ayaa xubnihiisa gaarayaan 19, kuwaasoo isugu jira odoyaasha dhaqanka, culummaa’udiinka, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada iyo barakacayaasha.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Jubadda Hoose, C/rashiid Gooni ayaa guddiga nabadgelyada Kismaayo ku qaabilay xafiiskiisa, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid lagu farxo, wuxuuna ka dalbaday hay’adda Soyden inay sii kordhiso wacyi-galita bulshada.

Hay’adda SOYDEN ayaa tababar noocaan oo kale ah waxay kasoo qabatay deegaanno ku yaalla xuduudda Kenya iyo Soomaaliya; kuwaasoo guddiyadii nabadgalyo ee loosoo sameeyay ay wax badan ka badeleen nabadgalyada deegaanadaas. Waxaana sidoo kale kale tababarro kale lagu soo qabtay magaalooyinka Baydhabo, Baladween, Jowhar iyo degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda Soyden waxay qorsheynaysaa in dhawaan ay shirweyne u qabato guddiyada nabadda dalka, kaasoo looga hadli doono sidii ay wada-shaqeyn u yeelan lahaayeen, isla markaana ay isku-dhaafsan lahaayeen aragtiyadooda dhinaca nabadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya