4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Kenya oo 92 Milyan ku bixinaysa dhismaha Maxkamadda Gaarka ah ee Afrika


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in lacag dhan 92-milyan oo shillinka wadanka Kenya ah ay ku bixin doonto dhismaha maxkamad u gaar ah Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galay shirkii Madaxda Midowga Africa ee dhawaan  lagu soo gaba-gabeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia, ayaa balan-qaaday inuu bixin doono lacag 92 Milyan ah, si loogu fududeeyo dhismaha Maxkamada cadaalada Africa.

Wasiirada arrimaha dibada Kenya Amina Mohamed Jibril, ayaa dhankeeda difaacday balan-qaadka  Madaxweynaha Kenya uu ku yaboohay lacagtaas, waxeyna sheegtay in 11-dal oo Afrikaan ah ay saxiixeen dhismaha Maxkamadaas balse loo baahan yahay 3-wadan oo kale in ay sixiixaan, si ay sharci u noqoto Maxkamadaas ogana shaqeyso qaarada Africa oo dhan marka la helo 14-wadan oo ogolaado.

“Maxkamada Afrika ay yeelaneyso waa mid iska caadi ah oo dadka Afrikaan-ka ah ay ku xalin karaan arrimaha iyaga u gaarka ah, sida dambiyada ka dhanka ah bini’aadanimada”, ayey tiri Aamina Maxamed oo dhawaan xafiiskeedda ku qaabishay Wasiirka arrimaha dibada Iran oo booqasho ku yimid Kenya.

Aamina Maxamed oo sidoo kale Warbaahintu ay weydiisay in wadamada ku yaallo qaarada Africa ay damacsan yihiin iney ka baxaan xubinimada Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee (ICC) International Criminal Court, ayaa ku jawaabtay.

“Maya, ma damacsana laakin Maxkamadaan waxey noqoneysaa mid u adeegto dadka Afrikaan-ka ah, isla markaasna ka jawaabto hadii ay dhacaan dambiyo dagaal”.

Maxkamada Cadaalada Africa ee dambiyada ka dhanka ah Aadanaha, oo la sheegay iney u kala Garsoori doonto Madaxda iyo Shacabka Africa, ayaa hada waxaa u ololeynaayo Madax ka tirsan qaarada Afirca, uuna ugu horeyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya, oo dhawaan ay baabi’isay Maxkamada ICC- dacwada ka dhan ah bini’aadanimo oo loo haystay.

Xisbiga Mucaaradka Kenya ee CORD, ayaa ka soo horjeestay lacagta uu balan-qaaday Madaxweynaha Kenya, waxeyna sheegeen in dhismaha maxkamadaas ay tahay mid wakhtiga lagu luminaayo; isla markaasna lagu dag-dagay.

Dhismaha Maxkamada Cadaalada Africa, ayaa imaanaayo iyadoo madax badan oo Afrikaan ah loo haysto dambiyo ka dhan ah xaquuqda Aadamka- dacwadooduna ay ka socoto maxkamada ICC, isla markaasna dagaalo ay ka socdaan wadamo badan oo ku yaallo qaarada.

Shirkii ugu dambeyay ee madaxda Midowga Africa ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada Ethiopia, ayaana lagu saxiixay dhismaha Maxkamadaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya