4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Mareykanka oo sheegay inuu beegsaday sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan


Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkii diyaaradeed ee Sabtidii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaan Koofurta Somalia ku yaalla ay ku beegsadeen sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka wasaaradda difaaca Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay inay weerarkaas la eegteen sarkaal lagu magacaabo, Yuusuf Deeq oo madaxa Al-shabaab ee dhanka sirdoonka iyo howlgallada ka mid ah.

Sidoo kale, Kirby ayaa intaa ku daray in wali la darsayo natiijada rasmiga ah ee weerarkaas ka dhalatay iyo inay waxyeello kasoo gaartay sarkaalka ay beegsadeen, wuxuuna meesha ka saaray in weerarkaas ay dad rayid ah waxyeello kasoo gaartay.

Kirby oo sii hadlay ayaa sheegay in haddii weerarkaas uu noqday mid ay ku guuleysteen uu dhabar-jab weyn ku yahay Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Duqeyntan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa toddobaadkan ka dhacay deegaan ku dhow degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaasoo la sheegay inay tababar ku qaadanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab. Balse weli kama aysan hadlin Al-shabaab weerarkan.

Maraykanka ayaa weerarro xiriir ah la beegsanayay sannadihii lasoo dhaafay hoggaanka sare ee Al-Shabaab, iyagoo duqeyn ku dilay bishii September ee sannadkii aynu kasoo gudubnay hoggaamiyihii Al-shabaab, Axmed Godane.

Ugu dambeyn, Decembertii lasoo dhaafay ayay sidoo kale Mareykanku ku dileen duqeyn sarkaal lagu magacaabi jiray C/shakuur Tahliil oo sirdoonka Al-shabaab madax ka ahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya