4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2015
Xawaaladaha Somalida Minnesota oo laga Cabsi-qabo inay Dhawaan Xirmaan

Arbaco, Feberaayo 04, 2015 (HOL) — Merchants Bank of California oo ahaa bangigii keliya ee la shaqaynayay xilliyadii ugu dambeeyey xawaaladaha ay Soomaalidu lacagaha ku diraan ayaa waraaq qoraal ah oo uu soo diray 27-kii bishii hore ku sheegay in 06-da bishaan Febaraayo oo ku beegan Khamiista berri ah uu joojinayo xiriirkii uu la lahaa xawaaladaha, isla markaana wixii xiligaasi ka dambeeya uusan gudbin doonin wax lacag ah oo ka timaadda xawaaladaha Soomaalida.

Haddii arrintan ay hirgasho ayaa waxay noqonaysaa carqalad adag oo ay mar kale wajahayan dadka Soomaaliyeed ee ay noloshoodu ku tiirsanayd lacagaha ehelladooda dibadda ku nool uga yimaada.

Merchants Bank wuxuu sheegay in arrintaan ay ku qasabtay culaysyo uga yimid xafiiska la socodka lacagaha ee dalka Maraykanka, kasoo ka mid ah xafiisyada miisaanka ku leh Mareykanka (Office of the Comptroller of the Currency), wuxuuna eegaa, isla markaana la socdaa lacagaha dalka soo galaya iyo kuwa dibadda u baxaya.

C/casiis Sugule oo ah madaxa urur ay ku midoobeen xawilaadaha Soomaalida oo marka lasoo gaabiyo looyaqaan SAMSA ayaa HOL u sheegay in markii ay waraaqdan soo gaartay  ay ka codsadeen Merchants Bank inuu waqtiga u kordhiyo. si aysan howshooda hakad u gelin.

Soomaali badan oo ku nool gudaha Soomaaliya ayaa waxay noloshoodu ku tiirsan tahay lacagaha uga yimaada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA BANKIGA UU SOO SAARAY:

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA