4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Guddoomiyihii xaafada Garsoor ee magaalada Galkacayo oo caawa la diley
Talaado, February 3, 2015 (HOL)- Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa caawa lagu diley guddoomiyihii xaafadda Garsoor Maxamuud Diiriye Bidaar.

Guddoomiyaha waxaa la toogtey waxyar kadib salaadii cishaha isaga oo maraya meel u dhow gurigiisa, waxaana diley labo nin oo wejiga soo duubtey biskooladana ku hubeysnaa.

Dilka Guddoomiye Bidaar ayaa imaanaya saacado kadib markii isla magaalada Gaalkacayo qarax lagula beegsaday gaari uu watey xisaabiyaha guud ee xafiiska Wasaarada Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaliya