4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Wariye Xasan Kuuriya oo Maanta Xanuun Awgiis ugu Geeriyooday dalka India

Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Allaha u raxmadee wariye Xasan Ciise Cali oo ku magac-dheeraa (Xasan Kuuriya) oo ka mid ahaa wariyeyaashii kasoo shaqeeyay idaacadda Radio Muqdisho intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Hyderabad ee dalka Hidiya oo xanuun awgiis loogu qaaday, iyadoo geeridiisa ay imaanayso iyadoo maalin ka hor uu isna Muqdisho ku geeriyooday marxuum Xuseen Sheekh Axmed oo loo yaqaannay (Kadare) oo ka mid ahaa wariyeyaashii horay uga soo shaqeeyay Radio Muqdisho.

Xasan Kuuriya ayaa wuxuu sanadkii hore ku sugnaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, isagoo kaga qaybgalay kulanno ay wariyeyaal Soomaaliyeed yeesheen, isagoo hadallo u badan guubaabo ka jeedin jiray kulammada wariyeyaasha.

Inta badan marxuumku wuxuu si aad ah uga hadli jiray in wariyeyaashu ay ku shaqeeyaan hufnaan iyo dhexdhexaadnimo, isagoo ugu baaqay inay qayb ka qaataan horumarinta iyo nabadeynta Soomaaliya.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xasan Kuuriya, iyadoo xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim oo ku hadlayay magaca dhamaan suxufiyiinta Soomaaliiyeed uu ku sheegay warbixinta ay soo saareen inay tacsi u diray dhamaan qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuumka.

Ugu dambeyn, qoraalka tacsida ah ee NUSOJ ayaa lagu xusay in marxuumka ay EEBBE uga baryayaan inuu ka waraabiyo Jannadiisa, iyagoo intaas ku daray in Kuuriya uu ahaa rug-caddaa saxaafadeed oo in muddo fog ku dhex-jiray saxaafadda Soomaaliya.

Si kastaba ah ahaatee, lama sheegin cudurka uu u geeriyooday marxuumku, iyadoo da’diisa lagu sheegay lixdameeyo, wuxuuna muddo sannado ah dalka uga maqnaa dibadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya