4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Sarkaal Milateri oo sheegay in Al-shabaab 27 dagaalyahan looga dilay duqeyn


Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday duleedka Buulo-guduud oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose lagu dilay 27-ka dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Col. Maxamed Sh. Cabdi ayaa warbaahinta sheegay in duqeyntaas ay ay ahayd mid lagu bartilmaameedsaday xeryo ay Al-shabaab ku leedahay deegaanno ku dhow Buulo-guduud ayna khasaare xooggan kasoo gaartay.

“Weerarkan cirka ah waxaa lagu bartilmaameedsaday xeryo ay Al-shabaab ku lahayd meel ku dhow deegaanka Buulo-guduud ee gobolka Jubbada Hoose,” ayuu sarkaalku u sheegay wargeyska World bulletin oo kasoo baxa dalka Turkiga.

Sarkaalkan u hadlay ciidamada dowladda Somalia ayaa xusay in ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ay goobihii la duqeeyay la wareegeen, isagoo sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay halkaas ka carareen.

“Howlgallada noocan ah way sii socon doona inta Jubbooyinka oo dhan laga wada saarayo Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Maxamed Sheekh oo aan sheegin in 27-ka Al-shabaab laga dilay ay ka mid ahaayeen la dilay ay ku jireen saraakiil iyo in kale.

Ma jiro illaa iminka war duqeyntan ku saabsan oo kasoo baxay Al-shabaab, iyadoo shalay ay sidoo kale diyaarado dagaal oo Kenya ay leedahay ay ka geysteen duqeymo deegaanka Yoontooy ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba ha ahaateen, sanadihii lasoo dhaafay Al-shabaab waxaa dagaallo looga qabsaday deegaanno ay ka talinayeen oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia, kuwaasoo hada ay ku sugan yihiin ciidamada ka socda Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya