4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Gobolka Shabeellada dhexe oo lagu qabtay sarkaal Shabaab ah iyo Ilaaladiisii


Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Howlgal ay ciidamada milateriga Soomaaliya ka sameeyeen gobolka Shabeellada dhexe manta ayaa lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya iyo ilaaladiisii sida ay sheegeen saraakiisha milateriga Soomaaliya ee ku sugn gobolkaa.

Saraakiisha ayaa sheegaey in howlgalka lagu soo qabtay sarkaalkan iyo ilaaladiisa uu ka dhacay deegaanka Fiidoow oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe. Iyadoo intii aan la qabtan sarkaalkan iyo ilaaladiisa uu dhexmaray iska-horimaad ciidamada dowladda Somalia iyo ilaalada gaarka ah ee sarkaalkan.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka la qabtay ee Al-shabaab ka tirsan uu ku dhaawacmay ska-horimaadka ka dhacay deegaanka Fiidoow, inkastoo aysan waxba gaarin ilaaladiisii gaarka ahaa.

“Ciidamada Milateriga Somalia waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan sarkaalka iyo ilaaladiisa oo tiradoodu ahayd siddeed ruux, degmada Jowharna ay geeyeen,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe.

Ma sheegin saraakiisha dowladda Soomaaliya magaca sarkaalkan, sidoo kale Al-shabaab ayaan weli ka hadlin sarkaalka iyo ilaalada ay sheegeen xubnaha dowladda ee gobolka Shabeellada Dhexe ku sugan ay gacanta ku dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo horraantii toddobaadkan ay ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan gobolka Gedo ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia ayaa weli ku haysa gacanta deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, inkastoo ay inta badan degmooyinka gobolkaas gacanta ku hayan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya