4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Wasiirka Ganacsiga Puntland oo ka hadlay lacago been abuur ah oo la Qabtay

Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Wasiirka ganacsiga Puntland, Maxamuud Xasan Soocadde ayaa ganacsatada iyo shacabka kale ugu digay lacag been abuur ah, oo dhowaan ciidanka booliska Puntland ay qabteen, kadib markii lagu arkay suuqyada Garoowe.

Booliiska Puntland ayaa dhowr qof  usoo  qabtay lacagtaas, kuwaasoo ay baaritaanno ku socdaan, dhowaanna maxkamad la hor gayn doono, sida uu sheegay wasiirka ganacsiga maamulka Puntland oo maanta la hadlay warbaahinta gudaha.

Maxamuud Xasan Soocadde ayaa ganacsatada uga baaqay in ay iska ilaaliyaan lacagtaasi been abuurka ah oo uu tilmaamay in ay sababi karto in lagu dhaco hantidooda, kana digay khal-khal ku dhaca dhaqaalaha gobolka.

Wuxuu tilmaamay in lacagahaasi dollarka ah ee been abuurka ah ay Puntland kasoo gashay degaanada  dariska la ,ah, ayna wadaan baaritaanno ay ku ogaanayaan halka lagu soo sameeyay iyo cadda loo waday intaba.

“Maalmahan oo dhan waxaan ku mashquulsanayn sidii aan ku ogaan lahayn halka ay ka timid lacagtan “ayuu yiri wasiirka oo sheegay in dhawaan ay soo bandhigi doonaan dadkii lagu qabtay lacagtan..

Ugu dambeyn, deegaanada Puntland waxaa laga dareemayaa sicir barar aad u baahsan oo saameeyay boqolaal ka mid ah bulshada danyarta ah, waxaana dhowr jeer oo hore maamulka loogu baaqay in arintan uu wax ka qabto.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]