4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Madaxweyne Xasan oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Serbia


Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha Serbia u fariisan doona Soomaaliya, Mr. Ivan Zikovic.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha cusub u xaqiijiyay in Somalia ay soo si weyn u soo dhaweynayso in xiriirka labada dal uu noqdo mid iskaashi oo gacan ka geysta dib u soo kabashada Somalia.

“Waan ku faraxsannahay inaan Somalia kugu soo dhaweynno. Dowladeyda diyaar ayay u tahay inay si buuxda kuula shaqeyso si aad waajibaadkaaga u gudato. Waxan filayaa inaad taageero badan naga siin doontaan adeegyada kala duwan ee ku burburay dagaaladii sokeeye,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Danjire Zikovic oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wadankiisa uu Soomaaliya kala kaashan doono horumarinta adeegyada waxbarashada, beeraha, tababarrada dhalinyarada, sayniska, caafimaadka iyo kuwo kale oo dhanka horumarinta ah.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa uga mahadceliyey danjiraha cusub ee Serbia inay doonayaan inay kala shaqeeyaan Soomaaliya ay ku doonayso in lagu horumariyo dhinaca tababarrada dhallinyarada, isagoo si gaar ah uga hadlay muhimada tababarrada mihnadaha u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Muhimad ballaaran ayay inoo leedahay tababarada mihnadaha. Horumar badan ayaan ka sameynay laamaha kala duwan ee waxbarashada, laakiin tababarka mihnadaha ayaa u baahan in la sii xoojiyo si shaqo loogu abuuro dhalinyaradeena. Waa hubaal in haddii gacan ballaaran la inaga siiyo wax walba in wax badan oo horumar ah laga dareemi doono dalka,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, munaasabadda uu madaxweynaha Soomaaliya kaga guddoomay danjire Zikovic warqadaha aqoonsiga ayaa waxaa goob-joog ka ahaa sii-hayaha xilka wasaaradda arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Beyle Ducaale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya