4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Somaliland oo Fasaxday Markabkii iyo Hubkii saarnaa oo ay Sheegatay Sudan


Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in hubkii markabkii dhowaan ku soo xidhay laga helay ay yeelatay dalka Sudan, kuwaas oo waraaq usoo qoray muujinaysa lahaansha hubkan ay usoo direen Somaliland.

Sidaasna waxa sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu warbaahinta u sheegay kaddib markii madaxweynaha waddanka Suudaan uu la soo xiriiray madaxweynaha Somaliland.

“Dowladda Somaliland waxa weeye dawlad aan la aqoonsan, hasayeeshee madaxbannaan  dowlad caalamka la dhaqanta oo sidii dowladaha u shaqeysa aad iyo aadna xil weyn uga saaran yahay Ilaalinta Xeebaheeda Iyo Badaheeda Masuuliyad Baana Naga Saaran  In Aynu Ilaalino gobalka Badihiisa Iyo waxii soo galaya,” ayuu yidhi Biixi waxaanu intaas ku daray.

“Waxaa xukuumadda Somaliland lasoo xiriiray madaxweynaha wadanka Sudan, waxaanu xaqiijiyay in markabkaas ku socday Abu-dubai iyo macradkeeda markaanu xaqiijinay hubinay  UN-ka iyo Hay’adaha Caalamka U Sheeganay iyadoo aad ogtahiin in dacaayado fara badan oo aan munaasib ahayn laga sheegay, waxaanu go'aansany madaxweynaha Suudaanna noo Soo Xaqiijiyey In Markabkaasi Yahay Mid Sideed Nooc Oo Kala Duwan Sida,  Madaxweynaha Somaliland Waxaa Uu Go,aansaday In Uu Tix Galiyo Warqadii Madaxweynaha Sudaan  Cumar Al Bashiir Soo Diray  Siina daayo Markabkaasi.“.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay cafiyeen isla markaana ka daayeen ganaaxii lagu soo rogay markabka maadaama oo hubka markabkaasi la xaqiijiyey lahaanshihiisa, isagoo yiri. “Waanu cafinnay wax ganaax ah oo laga qaadayaanna ma jirto, maadama dawlad aanu walaalo nahay ay tiri annaga ayaa iska leh, ganaaxiinna waanu ka dhaafnay wuuna baxay."

Si kastaba ha ahaatee, markabkan ayaaa shalay laga rogay qalabkii hubka ahaa ee saarnaa, haseyeeshee, waxa saaka dib loogu celiyey qalabkii iyo gaadiidkii dagaalka ee laga soo dajiyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland