4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Mas'uul ka tirsan W. Maaliyadda Puntland oo Gaalkacayo Qarax lagula eegtay
/images/2014/Jan/Gaalkacyo.jpg
Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Qarax nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ah ayaa barqonimadii maanta magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday gaari uu watey Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug, Maxamuud Cali Yuusuf (Gaada Yare).

Wararka Gaalkacayo laga helayo ayaa sheegaya in mas'uulkaas wax dhibaato ahi kasoo gaarin qaraxa, balse uu dhaawac fududi soo gaarey mid kamid ah ilaaladiisa.

Mas'uuliyadda weerarkan weli cidi ma sheegan, haseyeeshee saraakiisha laamaha ammaanka gobolka Mudug ayaa ku eedeeyey Ururka Al-shabaab.

Maxamuud Gaadayare ayaa muddo 16 sano ka badan soo ahaa xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyadda Puntland ku leedahay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacayo.

Bil kahor ayey ahayd markii sidan oo kale qarax loola beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Sooomaaliya