4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Macalimiintii gobolka Waqooyi-bari Kenya oo diiday inay shaqada ku noqdaan


Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Inta badan macalimiintii ka howlgalayay Iskuulada dowlada ee ku yaalla gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya ayaa diiday inay dib ugu laabtaan shaqada; isla markaasna ay xaadiraan iskuullada ku yaallo deegaano ka tirsan gobalkaas.

Guddiga Adeegga Macallimiinta Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo (TSC) Teachers Service Commission ayaa xusay in barayaashu ay diideen iney tagaan gobalka waqooyiga Kenya oo ay s dib ugu noqdaan shaqadooda.

Guddiga TSC, ayaa ku hanjabay iney shaqada ka ceyrin doono Macalinkii u hogaansami waayo amarkooda oo dib ugu noqon waayo shaqadiisa, xili shalay ay ku ekeyd wakhtigii loo qabtay macalimiintu iney ku tagaan Iskuuladii ay ku qornayeen.

Xog-hayaha Ururka Midowga Qaranka Macallimiinta ee “Kenya National Union of Teachers” (KNUT) oo lagu magacaabo Wilson Sossion oo horay looga wacay laanta dambi baarista CID-da, ayaa shalay tagay xarunta laantaas ay ku leedahay magaalada Nairobi, kaddib markii lagu eedeyay inuu sameyay kicin ku saabsan in Macalimiintu aynan tagin Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wilson Sossion, ayaa lagu eedeyay inuu ku dhiiri galiyay in ka badan Kun Macalin oo wax ka dhigi jiray Iskuulada dowlada ee ku kala yaallo Magaalooyinka Gaarisa, Wajer iyo Mandheera, iyo waliba deegaanada hoos yimaado in aynan dib ugu noqonin meelahaas, iyadoo hadalkaasna uu ka careysiiyay Siyaasiyiinta iyo bulshada ka soo jeedo gobalka waqooyi bari Kenya.

Madaxda kale ee Ururka KNUT, ayaa ku adkeyay macalimiinta iney tixgaliyaan amarka ay siiyeen Guddiga TSC ee ku saabsan iney dib ugu noqdaan shaqadooda, isla markaasna waxey iska fogeeyeen in ay la qabaan hadalka Xog-hayahooda.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka cusub ee Amniga gudaha Kenya Joseph Nkaissery, ayaa dhawaan mar uu la kulmay Siyaasiyiinta laga soo doortay Gobalka waqooyi bari Kenya; wuxuu balan qaaday in gobalkaas loo diri doono ciidamo tiro badan oo ilaaliyo xuduuda kala barto wadamada Kenya iyo Somalia si loo adkeeyo ammaanka Kenya.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin hoggaamiyaha golaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya, Aadan Bare Ducaale, xildhibaanka laga soo doortay magaalada Mandheere, Bilow Keroow iyo mudanayaal kale, ayaa ku eedeyay macalimiinta in aynan siyaasadeynin waxbarashada, iyagoona sheegay in amnigoodu uunan hada khatar ku jirin.

Maclimiintii iskuulada sida gaarka ah loo leeyahay ayaa horay u tagay magaalooyinka gobalka waqooyi barki Kenya uu ka kooban yahay; oo ay ka mid tahay Mandheera oo horay ay dhibaatooyin oga dhaceen.

Diidmada Macalimiinta Iskuulada dowalda ay ku diideen iney tagaan gobalka Soomaalidu ay dagto ee Waqooyi Bari Kenya, ayaa ka dambeysay markii bilihii November iyo December ee sanadkii aynu soo dhaafnay lagu dilay duleedka magaalada Mandheera dad kor u dhaafaayo 60 qof oo iskugu jiray Macalimiin, Shaqaalo Caafimaad iyo Xoogsato, kuwaasoo xoogag ka tirsan Al Shabaab la sheegay iney u kala saareen Diinta ay aaminsan yihiin kadibna ay dileen dadkii aanan Muslimka aheyn.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya