4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2015
Sharma’arke oo Is-beddel ku sameynaya golihii wasiirrada ee uu Magacaabay


Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ku sameynaya isbedel weyn golihii wasiirrada ee u magaacabay 27-kii bishii hore, kuwaasoo tiradoodu ahayd 20, waxaana lagu wadaa inuu ka dhigo illaa 25-wasiir.

Warar ay heshay HOL ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Sharma’arke uu wado xilliga wadatashiyo ku aaddan sidii wasaaradaha dowladda uu horay u magacaabay u kala jar-jari lahaa, si ay wasiirrada xukuumaddiisu u noqdaan 25-wasaaradood, kaddib markii uu ka dalbaday baarlamaanka dhawaan in 10-maalmood oo dheeraad ah la siiyo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha laga yaabo inuu ku soo daro wasiirradiisa xubno ka tirsan baralamaanka Somalia, maadaama uu markii hore ka keenay golaha wasiirrada ka keenay dibadda baarlamaanka.

RW Sharma’arke ayaa la sheegayaa inay culeysyo kaga imaanayaan dhanka baarlamaanka Soomaaliya, isagoo horayna u bedelay gole wasiirro uu kasoo magacaabay intooda badan golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in wasiir ku xigeennada ay intooda badan ka imaan doonaan baarlamaanka Soomaaliya, balse lama oga sida ay tani ku suuro-geli doonto, iyadoo dhawaanahan uu ra’iisul wasaaruhu kulammo kala duwan la yeelanayay madaxda dalka oo uu ka mid yahay madaxweynaha si uu arrintan isbedelka ugula tashado.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa laba jeer weydiistay golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaare Sharma’arke uu noqonayo ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay oo wasiirradiisa kala dira iyadoo aan marin baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya