4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Kulan looga hadlay dhibka ka jirta Qaaradda Afrika oo lagu qabtay Minnesota


Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Machadka Afrika ee nabadda iyo cilmi-baarista ayaa kulan ku qabtay magaalada Minneapolis ee xarunta gobolka Minnesota, kaasoo looga had-lay dhibaatada iyo horumar la'aanta ka jirta Qaaraadda Afrika iyo howlaha machadkan oo la aasaasay sannadkii tagay ee 2014-kii; iyadoo xubno ay ka yihiin qurbo-joogta 21-dal oo Afrika ka mid ah.

Maxamed Aadan Diini oo ah madaxa iyo aasaasaha machadkaan - Center of African Peace and Reseach - ayaa HOL uga warramay howlaha machadka; kaasoo ka shaqeeya arrimaha nabada iyo cilmi-baarista Afrika, wuxuuna sheegay in hadafkoodu yahay inay cid walba oo doonaysa in nabadda Qaarada Afrika ay la shaqeynayaan.

Prof. Ajar K. oo kasoo jeeda Togo ayaa isna ka sheekeeyay dib-u-dhaca ka jira Qaaradda Afrika, taasoo uu sheegay inay keeneen dagaallada mar walba kusoo noq-noqda; kuwaasoo hakiya horumarka Afrika, waxaana u baahan-nahay buu yiri inaan aqoon ku hor-istaagno colaadaha iyo dagaallada ka dhaca Qaaradda.

Safiirkii hore ee ee Gana u joogay dalka Biljimka, Amagasha oo ka ah xubin machadkan ayaa xusay in Afrika ay uga bixi karto dhibtooyinka ka taagan cilmi-baaris ku salaysan run iyo inay barwaaqdeeda lasoo baxdo, lana helo horumar iyo farsamo casri ah oo la jaan-qaadi karta caalamka.

Hariehe Angelo Bissoy oo ah haweeney ka mid ah guddiga waxbarashada magaalada St Paul ee gobolka Minnesota kana soo jeeda dalka Camaroon ayaa iyadana ka hadashay muhiimadda nabaddu ay u leedahay haweenka ku nool Afrika, iyadoo Haweenka Afrika ku boorrisay inay ka shaqeeyaan nabadda ay u horseed ummadda Afrika.

Sidoo kale, Asad Khaliif oo isna ah madaxa ururka New American Academy ayaa dhibta Qaarada Afrika ku sifeeyaay mid ay horseedeen gumaysigii ka talin jiray xilliyadii hore, kuwaasoo uu xusay inay ka dhigeen qaaradda mid kala qoqoban; tasoo ku salaysan inay Afrika waligeed heshiin.

Asad ayaa tusaale u soo qaatay in qabiil keliya labo wadan lagula kala daray, iyadoo la yiri labadaas waddan ayaad u kala dhalateen. Taasoo uu xusay in ay tahay dhibta uga badan oo hadda Qaaradda Afrika ka jirta.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay madax, aqoon-yahanno kala duwan sida; Mr Libby oo bare ka ah kuliyadda shariciga, Dr Mesang oo ah madaxa - Center African Refugee, Maxamuud Wardheere ooo siyaasiinta Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ku nool.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA