4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Iska-horimaad Khasaare Nafeed Sababay oo ka Dhacay Koonfurta Gaalkacyo

Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay iska-horimaad kooban oo xalay Koonfurta Gaalkacyo ku dhexmaray koox burcadbadeed ah iyo ciidamada maamulka Galmudug oo ka taliya deegaankaas.

Dagaalka oo socday muddo daqiiqado ah ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dhashay khilaaf soo dhexgalay ciidamada Galmudug iyo kooxdan burcad-badeedda ah, waxayna ciidamada Galmudug gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah burcadbadeeddii ay dagaalameen sida ay sheegeen saraakiisha ka tirsan ciidamada Galmudug.

Goobjoogayaal ku nool xaafada uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay kooxda burcada ah muddo deggenaayeen guri ku yaalla xaafaddaas, laakiinse ay ka warheleen dagaal dhex-maraya ciidamada Galmudug iyo burcadda.

“Iska-horimaadka waxaa sababay muran lacageed soo dhexgalay ciidamada iyo kooxda burcdbadeedda ah. Iska-horimaadku wuxuu socday daqiiqado, dhinacyaduna waxay is-dhaafsadeen hubka noocyadiisa kala duwan,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa xaafadda uu dagaalku ka dhacay.

Maamulka Galmudug ayaan si faahfaasan uga hadlin sababta keentay inay ciidamadooda iyo kooxdan burcadbadeedda ah dagaalamaan, waxaana uu dagaalkan qayb ka noqonayaa dagaallo soo laalaabtay oo kooxaha burcad-badeedda ah iyo ciidamada Galmudug dhex-maray.

Kooxaha burcadbadeedda ah ayaa qaarkood waxay ku sugan yihiin gudaha deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug, iyadoo mararka qaarkood ay isku dhacaan ciidamada maamulka Galmudug, halka mararka qaarna ay dhexdooda ku dagaalamaan lacagaha ay madaxfurashada u helaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya