4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Xuska Aas-aaska Millatariga S/Land


Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Ax'ed Max'ed Siilaanyo, ayaa ka qaybgallay sanad guuradda 21aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka milateriga Somaliland oo sanad kasta 02-da February loo dabaal-deggo.

Xuska loogu dabaal degayo sanad guuraddii 21-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Militariga ayaa lagu qabtay dugsiga tobabarka ciidamada ee Darar-weyne ee Hargeysa ka xiga dhinaca bari, waxana Siilaanyo ka sakow ka soo qaybgallay wasiirka Gaashaandhiga, taliyeyaasha ciidamadda, xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha oo markii uu salaan sharafta ka qaaday ciidanka, waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey dugsiga tobabarka ciidanka, waxaana ka mid ah mashaariicda la furay guri weyn oo loo dhisay saraakiisha iyo saraakiil xigeenka kuliyadda tababarka Dararweyne, kaasi oo qaadi kara 250 Sarkaal.

Sidoo kale, wuxuu Siilaanyo xadhiga ka jaray qolka shirarka kuuliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan kuna qadeyn karan.

Taliyaha guud ee ciidanka Militariga Gen:Ismaaciil Shaqalle ayaa uga warbixiyey sanadkii tagay wixii u qabsoomay iyo tobabarka joogtadda ah ee ay ciidanka siiyaan, kuwaas oo uu xusay inay tobabaro dibadda iyo aqoon jaamacadeedba ku soo qaateen dalal dibadda ah.

Intaas kaddibna madaxweynaha ayaa khudbad dheeri galin ah u jeediyey ciidamadda, waxaanu ku hambalyeeyey xuska sanad guuraddoodda ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka iyo kaalinta ay shacabka u hayaan.

“Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso.”ayuu yidhi madaxweynaha oo la hadlayey ciidanka, waxaanu intaas ku darayaan “Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dibjira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.”

Madaxweynaha ayaa sheegay inay kor u qaadeen miisaaniyaddii ciidanka si xoogga loo saaro tobabarka iyo dhaqaalaynta ciidanka, waxaanu yidhi “Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD  taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada”.

Intaas ka dibna madaxweynuhu wuxuu kuuliyadda tobabarka usoo xidhay saraakiil ka tirsan ciidanka, waxaanu shahaado gudoonsiiyey saraakiil ka kala socday Ciidanka Militariga, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda.

Ugu dambeyn, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cadami oo madaxweynah uga xog bixiyey tobabarka kala duwan ee xaruntan lagu siiyey sida ay heegan ugu jiraan sugidda xuduudaha dalka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland