4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Safiirka Turkiga ee Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo safiirka Turkiga ee Somalia, Olgan Bekar ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safiirka iyo wadfigiisa ayaa la geeyay xarunta madaxtooyada maamulka, iyadoo la filayo inuu kormeerro ku sameeyo xaruumo dowladeed oo degmadaas ku yaalla.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo wafdiga safiirka ayaa lasoo sheegayaa inay hadda leeyihiin kulammo hordhac ah oo uga hadlayaan xaaladda guud ee deegaanada uu ka taliyo maamulkan KMG ah.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa waxaa si aad ah u xoojiyay ciidammo ka socda dalka Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afirka ee AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan Baydhabo.

Wafdiga ayaa tagitaankooda Baydhabo wuxuu imaanayaa iyadoo shalay ay isla degmada Baydhabo gaareen wafdi ka socda dalka Ingiriiska iyo Midowga Afrika, kuwaasoo mas’uuliyiinta maamulka kala hadlay arrimo ammaanka ku saabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya