4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
BIIXI: Dowladda Somalia ayaa xagal-daacinaysa wadahadalka noo dhexeeya


Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Somaliland oo markii horreysay ka hadashay qodob-badii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka Somalia iyo Somaliland ee ka koobnaa lixda qodob, kaddib wadahadallo Jabuuti ku dhexmaray madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Bixi Yoonis oo saxaafadda la hadlay kdadib markii uu la kulmay wafdi ka socday guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Yurub ayaa sheegay inay muhiim tahay dalalka dariska ah qaarkood inay goobjoog ka ahaadaan wadahadallada iyaga iyo Soomaaliya u dhexeeya.

“Waxaanu muhiim u aragnaa inay wadahadallada Somalia iyo Somaliland ay goob-joog ka noqdaan dalal caalamka iyo kuwa gobolka, sida; Britain, Imaaraadka Carabta, Denmark, Sweden iyo kuwa IGAD,” ayuu yiri Yoonis.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa muujiyay sida ay u daneynayaan in waddamada wadahadalka lagu soo daro, isagoo meesha ka saaray in dowladda Soomaaliya ay kaligeed xaqiijin karto waxyaabaha lagu heshiiyo.

Biixi ayaa intaas ku daray inuu walaac ka muujinayo wadahadalada labada dhinac, isagoo dowladda Somalia ku eedeyey in iyadu ay daba-dheereynayso wadahadaladan.

“Innagu waxaanu doonaynaa in Somaliland iyo Somalia ay noqdaan laba dal oo daris ah, si walaalnimo iyo daris-wanaag ahna kuwada noolaada,” ayuu yiri Biixi, isagoo xusay in Somaliland aysan marna ka laabanayn gooni-isku-taaggii ay horay u go’aansatay.

Ugu dambeyn, Biixi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in wadahdallada ay goobjoog ka noqdaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, isagoo xusay inay iyaga u muuqan fursad ay dib ugula midoobaan Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya