4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Maamulka Koonfur-galbeed oo la Kulmay Wafdi ka Socda Britain iyo AMISOM


Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Kulan muhiim ah ayaa waxaa Baydhabo ku yeeshay maanta kulan saraakiil ka socday Britain iyo ciidamada AMISOM oo ay hormuud u ahayd, Linda oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Midowga Afrika ee AMISOM  iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Shirkan laba geesoodka ah ayaa waxaa loogu wada hadlay arrimo muhiim u ah dadka iyo deegaanka Koonfur-galbeed, waxaana diiradda lagu saaray kulanka qaabkii ciidamada Koonfur-galbeed qaybahooda kala duwan loo tayayn lahaa.

 

Qodobada kulanka looga hadlay ayaa tababaro, qalabeyn iyo tayeynta ciidanka maamulka, waxaa kaloo laga wada-hadlay qaabkii maamulka uu u yeelan lahaa xafiisyo qalabeysan iyo dhameystirka golaha wasiirrada iyo laamaha kale ee Koonfur-galbeed.

Waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa dhamaantood maanta la xiray iyadoo la filayo in uu yimaada safiirka turkiga Somalia u fadhiya oo la filayo inuu manta gaaro Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo