4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Oday-dhaqameedyo ku shiray Kismaayo oo taageeray dhismaha Baarlamanka
Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Kulankan oo ka dhacay Hotel Fadlullaah 2 ee magaalada Kismaayo ayay beelaha Kuumade iyo weliba Beesha Talxe oo kamid ah beelweynta Sade waxa ay uga wada hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan sidii ay labada beelood si wadajir ah uga shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka deegaanada Jubooyinka.

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen, salaadiin, ugaasyo nabadoonno, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ayay beelahani ku sheegeen in ay taageersanyihiin maamulka Jubbaland islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhameystiri lahaa maamulka.

Odoyaashan ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin dadaallada lagu soo dhisayo baarlamanka uu yeelan doono maamulka ee ka soconayo magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubooyinka.

Gabagabadii kulanka ayay labada beelood waxa ay si wadajir ah usoo saareen qodobo dhowr ah oo ay isku afgarteen, kuwaasoo ay kamid ahaayeen;

  • In labada beelood ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida deegaanada ay wada deganyihiin
  • In ay iska kaashadaan wixii khilaaf ah ee u keeni kara deegaanka dib u dhac
  • In ay labada beelood ay isu aqoonsadaan in ay yihiin beelo wada degan oo walaalo ah
  • In ay wixii dhib ah oo dhaca ku xalliyan wada hadal
  • In labada beelood ay si buuxda u taageersanyihiin dowlad goboleedka Jubbaland
Salaadiintii, ugaasyadii iyo waxgaradkii kasoo qeybgalay kulanka waxa ay isla garteen in ay joogteen doonaan kulamada, iyadoo suldaan C/laahi Cali Sokor uu sheegay in gogosha xigta uu isagu fidin doono.
Qaar kamid ah Salaadiintii, Ugaasyadii iyo nabadoonadii ka qeybgalay kulanka

1.    Suldaan C/laahi Cali Sokor    
2.    Ugaas Cumar Xiireey
3.    Ugaas Max’ed Cali Dacar
4.    Ugaas Cali Saad
5.    Ugaas Irshaad Ugaas Siigaale
6.    Nabadoon Salaad Max’ed Cismaan (Salaad Dheere)
7.    Nabadoon Aadan Dhuubow Salaad
8.    Nabadoon Xuseen Aadan Nuur
9.    Nabadoon C/raxmaan C/laahi Yuusuf
10.    Siyaasi Axmed Cabdi Cumar (Sandheere)

Kulanka ay isugu yimaadeen beelahani ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubooyika ay ka soconayaan shirar ku aadan soo xulidda baarlamanka uu yeelan doono maamulka Jubbaland.

..............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.