4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
S/Land oo hubkii uu waday ka dajisay Markabkii lagu qabtay Dekeda Berbera


Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Markabkii hubka waday ee 24-kii bishii Jannaayo ee lasoo dhaafay lagu qabtay dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaa la sheegay in xalay hubkii laga dajiyay.

Hubkan oo isugu jiray hal kaare, laba gaari oo kuwa aanay xabbadu karin ah, qori madfac ah iyo gaadiid kale oo ay ku rakiban yihiin qoryaha daran-doorriga u dhaca ayaa gabi ahaantood dhulka la keenay.

Ilo wareedyo ku sugan Berbera ayaa warbaahinta u sheegay in baaritaanno ay wadeen ciidamada Somaliland 10-maalmood kaddib la go’aamiyay in laga dajiyo markabka hubka uu sido.

“Somaliland waxay go’aan ku gaartay in hubka saaran markabkaan laga dajiyo, kaddib baaritaanno socday toban maalmood,” ayay BBC-da u sheegeen qaar ka mid ah ilo-wareedyo madaxbannaan oo ku sugan Barbara, inkastoo ay ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahinno intaas ka badan.

Markabkan oo soo maray dalal badan oo ay ka mid tahay Sudan ayaa waxay Somaliland sheegtay in hubkan uusan ku jirin qoraalkii uu markabku u soo gudbiyay intii aanu kusoo xiran dekedda Berbera, lamana oga illaa hadda meesha uu rasmi ahaan ugu socday hubkan.

Illaa iyo hadda lama oga sida ay xukuumadda Somaliland ka yeelayso hubka iyadoo horay ay mas’uuliyiinta Somaliland u sheegeen in hubkan uu yahay mid si qarsoodi ah markabka loogu soo qaaday, meel uu ku socdana aysan garanayn.

Si kastaba ha ahaatee, kabtankii markabka ayaa la sheegayaa inuu ku xiran yahay Berbera, halkaasoo ay su’aalo lagu weydiiyay, iyadoo Waran-cadde uu horay sheegay in kabtanku uu dhowr hadal oo kala duwan ku hadlay, markii wax laga weydiiyay halka uu hubka kasoo qaaday iyo halka uu ku siday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya