4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Salva Kiir & Riek Machar oo Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis hordhac ah


Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Koofurta Sudan, Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas, Reik Machar ayaa kala saxiixday heshiis ay colaadda u dhexeysa ku joojinayaan, iyadoo heshiisku uu dhigayo in labada dhinac ay 05-ta Maarso kusoo afjaraan colaadda, ayna sameystaan awood-wadaag.

Urur-goboleedka IGAD ayaa gar-wadeen ka ahaa heshiiska labada mas’uul ay gaareen oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo madaxda IGAD ay ku boorriyeen hoggaamiyeyaashan inay heshiiska dhaqan-geliyaan.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta IGAD ayaa ugu hanjabay labada hoggaamiye inay tallaabo adag ka qaadi doonaan haddii ay heshiiska maanta jabiyaan, iyadoo tallaabada la qaadayo ay madaxda IGAD ku sheegeen inay tahay mid lagu saarayo cunno-qabteyn hoggaamiyihii jabiya heshiiskan.

Ergayga IGAD ee Koonfurta Suudaan, Seyoum Mesfin ayaa labada mas’uul ugu baaqay inay ixtiraamaan heshiiska, ayna fuliyaan qodobbada heshiiskan uu ka kooban yahay, marka ugu horreysana xabbadda la joojiyo.

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa la sheegay inuu noqonayo madaxweynaha KMG ah ee Koonfurta Suudaan, Machar isna uu noqon doono ku-xigeenkiisa, inta dowlad wadaag ah laga dhisayo.

Dalka Koonfurta Suudaan oo sannado ka hor xorriyadiisa ka qaatay Suudaan ayaa waxaa ka dhacayay tan iyo dhammaadkii sannadkii 2013-kii dagaallo ay dad badan ku dhinteen, kuwo kalena ay dalkooda uga barakaceen.

Colaaddan oo ahayd mid ka dhalatay muran dhinaca awoodda dowladda ah ayaa sababay inuu isku bedelo dagaal sokeeye oo u dhexeeya beelaha dalka Koonfurta Suudaan ugu awoodda badan.

Si kastaba ha ahaatee, colaadaha Koonfurta Suudaan ayaa sababay dhibaato dhinaca nolosha ah oo soo wajhaday dadka ku nool dalkaas, iyadoo ajaanib fara badan oo dalkaas ganacsiyo ku lahaa oo ay Soomaali ku jireenna ay uga barakaceen dalkaas colaadaha ka dillaacay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya