4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Hay'adda CAIR oo kulan looga hadlay xuquuqda Muslimiinta ku qabatay MPLS


Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Hay’adda Council on American–Islamic Relations (CAIR) oo u doodda xaquuqda muslimiinta Maraykanka kana shaqaysa xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta ee Maraykanka iyo islaamka   ayaa shir ku qabatay Minneapolis kasoo oo ay isugu yimaadeen dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Imaamyo, aqoon-yahanno, salaadiinta, waaliddiin, ardayda iyo hay’adaha u dooda xaquuqda aadamiga sida; Brennan Center for Justice at New York, Triangle Center on Terrorism and Homeland Security iyo Somali Citizens League. waxayna aad uga hadleen mashruuca ka hor-tagga argagaxisada Mareykanka oo ay horay uga hadleen hayadaha ammaanka.

Shirkan ayaa waxaa furay guddoomiyaha cusub ee hay’adda CAIR -Minnesota, Jaylaani M. Xuseen isagoo ka hadlay in mashruuca “Countering Violent Extremism (CVE)” uu keeni karo falal ku xad-gudba xaquuqda Muslimiinta iyo Soomaalida isla markaana ay jireen mashaariic kale ee la mid ah CVE waxyeellana la yimid.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Somali Citizens League, Eng. Jibril Afyare oo ku hadlayay magaca bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool ayaa si cad u sheegay in dhamaan ummadda Soomaaliyeed ay yihiin dad nabadda jecel.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA