4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 2 , 2015
Mombasa oo lagu Qabtay Aqoon-kororsi ku Saabsan Sharciga Cusub ee Kenya


Isniin, Feberaayo 02, 2015 (HOL) — Magaalada Mombasa ee gobalka Xeebta ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay Aqoon-kororsi ku saabsan Sharciga Cusub ee ammaanka dalka Kenya, kaasoo qodobo ka mid ah ay horay u diideen Xisbiga Mucaaradka dalka Kenya ee CORD, Hoogaamiyaasha Muslimiinta Kenya iyo Hay'addaha u doodo xuquuqul Insaanka, sidoo kalana Maxkamada sare ee Kenya ay joojisay qaar ka mid ah qodobadii Sharcigaas uu ka koobnaa.

Aqoon kororsigaas oo uu soo qaban-qaabiyay Guddiga horumarinta Soomaalida Mombasa, ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Senator-ka magaalada Mandheera Billow Kerow, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ismaamulka  Mombasa ahna Guddoomiyaha horumarinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Xeebta Maxamed Ibraahim Aboolo. Cabdulqaadir Aadan Khaliif oo ka tirsan Gudigga Qaran ee dhulalka Kenya, Xog-hayaha guud Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Mombasa Bile Warsame, Ganacsato, Diblomaasiyiin, Garyaqaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xog-hayaha Abaabulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Mombasa Abdulkadir Jeylani oo HOL ay wax ka weydiisay kulankaas, ayaa sheegay in madashaas ay aheyd tii ugu horeysay oo nooceeda oo kale oo ay iskugu yimadaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Mombasa.

Jeylaani, ayaa intaas ku daray in Aqoon kororsigaas uu ahaa mid lagu bidhaaminaayay sharciga cusub ee amniga Kenya oo cabsi xoogan ay ka muujiyeen dadka Soomaaliyeed iyo waliba Muslimiinta ku dhaqan wadanka Kenya.

Dhanka kale madaxdii ka qeyb-galay aqoon kororsigaas, ayaa ka hadlay qodobada uu kooban yahay sharcigaas, gaar ahaan kuwa loo arko iney saameyn ku yeelan karaan dadka Muslimiinta ah.

Ujeedda kulankaas, ayaa lagu sheegay iney aheyd sidii dadka Soomaaliyeed loo fahansiin lahaa sharciga Amniga oo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, uu  horay u saxiixay, uuna ku sheegay sharcigaas inuu yahay mid lagu ilaaliyo nolosha iyo hantida Muwaadiniinta Kenya, xili Mucaaradka Kenya iyo Hay'adda Xaquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ay ku tilmaameen qodobo ka mid ah sharcigaas iney meel oga dhacayaan xorriyada shacabka, uuna awood dheeraad ah siinaayo Madaxweynaha iyo Ciidamada qalabka sida.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya, ayaa joojisay dhaqan galinta 8- qodob oo ka mid ahaa sharcigaas, waxaana kiis looga soo horjeedo sharcigaas uu wali ka furan yahay Maxkamda racfaanka Kenya.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Mombasa, ayaa soo dhaweeyay aqoon kororsigaas oo lagu sheegay inuu ahaa kii ugu horeeyay noociisa oo kale oo dhacay Magaaladaas.

Sharciga cusub ee amniga Kenya oo ay soo diyaariyeen Gudi-hoosaadka amniga ee Baarlamaanka Kenya, ayaa meel maray 18-kii Bishii December-naad ee sanadkii aynu soo dhaafnay xili kulankii Baarlamaanka ay oga doodayeen sharcigaas uu buuq hareeyay, isla markaana ay ku dhaawacmeen xildhibaano.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya