4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Ganacsade Xaaji Quuroow oo lagu aasay magaalada Beledweyne (Sawirro)

Talaado, Feberaayo, 17, 2015 (HOL) -- Waxaa galabta lagu aasay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ganacsade Xaaji Cumar Max'ud Nuur (Xaaji Quuroow) oo rag hubeysan subaxnimadii hore ee saakay isaga iyo ruux ka mid ahaa ilaaladiisa ku toogteen xaafadda Howl-wadaag.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb-gallay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM, ganacsatada magaalada, odayaal dhaqameed iyo waxgarad kala duwan.

Guddoomiye k-xigeenka ammniga maamulka gobolka Hiiraan Max'ed Ibraahim oo ka hadllay goobta lagu aasay marxuumka, ayaa sheegay kaddib howlgal ay sameeyeen ciidammada dowladda lagu soo xir xiray in ka badan 50 ruux oo qaarkood la tuhusan yahay in ay ka danbeeyeen ama ku lug lahaayeen dilka ganacsade Xaaji Quuroow.

''Waxaan soo qabanay oo gacanta hay'addaha ammniga ku jira dad la tuhusan yahay in ay ka danbeeyeen dilka, walina baaritaan ayaa socda ayuu yiri'' guddoomiye ku-xigeenka ammniga ee maamulka gobolka Hiiraan.

Siddoo kale, saraakiisha ciidammada AMISOM ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen dilka marxuumka, islamarkaana maamulka ka gacan siin doonaan sidii loo heli lahaa dadkii ka danbeeyay.

Ganacsadaha saacadihii hore ee maanta la dillay Xaaji Quuroow ayaa marka laga soo tago in uu ahaa ganacsade, waxaa uu dhinaca kale ka mid ahaa odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya