4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Dagaal dhexmaray ciidanka Somaliland iyo dadka ku nool Tuulada Horu-fadhi

Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Laba qof ayaa inta la og-yahay ku dhaawacmay tuuladda Horu-fadhi oo 50-km dhinaca galbeed kaga aaddan magaalada Buuhoodle, kaddib markii ay ciidamadda Somaliland iyo beel ka mid ah kuwa deegaankaas daga uu iska-horimaad dhexmaray.

Maxamuud Maxamed Xiir ayaa HOL u sheegay in ciidamadda Somaliland ay maanta soo galeen deegaankaas kaddibna ay shacabkii magaaladu kala hor-tageen dagaal muddo socday. Isgaoo intas ku daray in khasaare maal uu ka dhashay dagaalka marka laga reebo dadka dhaawacmay.

Somaliland illaa hadda kama aysan hadlin sababta ay u aadeen deegaankaas oo ka madax-bannaan kuwa hoos-yimaada, waxayse wararka sheegayaan in ay doonayeen mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ka tirsan oo deegaankaas  maraayay inay qabtaan.

Xaaladda tuuladaas ayaa kacsan iyadoo aanay ciidammo xoog leh oo isku soo gurmaday ay isku hor-fadhiyaan dhul u dhexeeya tuuladaas iyo deegaan ku dhow oo lagu magacaabo Gocon-dhaalle. Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa la geeyay magaalada Buuhoodle oo haatan lagu daweynayo.

Axmed Maxamed Xasan wasiirka warfaafinta Khaatumo ayaa sheegay in dagaalkaas iyaga lagu soo qaaday ayna iska caabiyeen diyaarna ay u yihiin inay iska difaacaan cid walba oo soo weerarta.

Deegaanka ay xiisadda colaadeed ka billaabatay ayaa ah tuulo colaad dad badan salfatay ay ka dhacday sannadihii 2011-kii illaa 2012-kii, iyadoo mudooyinkii ka dambeeyay ay kasoo kabanayeen khasaarihii soo gaaray mudadaas; waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalku dib uga bilowdo deegaankaas.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool