4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Hay’adaha Ammaanka Dowladda oo loogu baaqay inay Feejignaan Muujiyaan


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Ku simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya inay ka weerarrada ay Al-shabaab soo qaadayso ka feejignaadaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ka tacsiyeeyay geerida afar sarkaal oo waaxda duulista hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ka tirsnaa oo shalay ay kooxo hubeysan oo ku dileen isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Weerarka lagu dilay saraakiishan ayaa waxaa sheegatay Al-shahaab, iyadoo war ay soo saareen ku sheegay inay dileen ciidammo gaar ah oo Muqdisho ka jooga, kuwaasoo dilka kaddibna baxsaday.

Afar ruux oo uu ka mid ahaa Maareeye kux-igeenkii garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Kadiye Jimcaale ayaa ku dhintay weerarkaas, iyadoo lala dilay laba sarkaal oo kale iyo darawalkoodii.

“Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo keygaba, waxaan si weyn uga tacsiyeynayaa geerida saraakiisha dowladda ka tirsanaa, anigoo tacsi gaar ah u diraya asxaabtii, ehelladii iyo shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee ay ka baxeen saddexda sarkaal ee ay argagaxisadu ku dishay Muqdisho,” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Sidoo kale, ku simaha ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegay in aysan ka niyad-jabinayn dhacdooyinkan noocaan oo kale ah, isla markaana ay sii wadayaan dadaalka ay uga hor-tagayaan kooxaha nabad diidka.

“Waxaa ugu baaqayaa laamaha amniga dowladda Somalia inay muujiyaan feejignaan, kana hor-tagaan falalka argagixisadu maleegayso” ayuu RW-re ku xigeenku ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray maanta.

Hay’adaha dowladda Somalia ayaan weli cidna u qaban dilka saraakiishan loogu geystay Muqdisho, iyadoo sidoo kalena dhowr bilood ah ka hor lagu dilay agagaarka goobtii shalay lagu dilay saddexda sarkaal taliye xigeenkii waaxda socdaalka Somalia, Jen. Dhabareey.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya