4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Fannaan si Weyn Dunida loo yaqaan oo ku biiray Kooxda Daacish (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Fannaan heesaa ah ee reer Jarmal, Denis Cuspert oo 39-jir ah ayaa ku biiray kooxda Islaamiga ah ee Daacish oo ka dagaalanta waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

Heesaagan ayaa horay loogu diiwaan-geliyay inuu ahaa burcad, wuxuuna ku luuqeyn jiray heesaha loo yaqaano Rap-ka, iyadoo ay iska dhaleen Hooyo u dhalatay dalka Jarmalka iyo Aabbe Ghana ah, mar dambe ayuu qoyskiisa ka tagay, markii hooyadiis ay guursatay nin Mareykan ah.

Denis Cuspert ayaa u safray dalka Jarmalka sannadkii 2013, isagoo qaatay diinta Islaamka, wuxuuna la baxay magaca Abuu Dalxa Al-Almani, isagoo ku gaaray go’aan inuu ku biiro kooxdan islaamiga ah.

Bishii lasoo dhaafay ee Jannaayo 27-keedii ayaa lagu daray liiska waxa loogu yeero argagixisada caalamka, qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka oo muujisay kharata uu ninkan leeyahay.

Muuqaal ay baahisay kooxda ISIS ayuu kasoo muuqday, isagoo madaxyo la jaray haya, isla markaana garabka uu ugu jiro qoriga AK-47-ka loo yaqaano. Iyadoo loo aqoonsaday hadda inuu qayb weyn ka qaadanayo muuqaalada ay soo bandhigto ISIS ee dacaayadaha ah.

Khabiirka ku xeelka dheer arrimaha argagaxisada iyo amniga, Raphael Perl ayaa sheegay in ninkan uu si fudud dhallinyarada ugu qori karo ISIS, isagoo taas sabab uga dhigay inuu u adeegsan karo dadka sida aadka ah uga daba-dhacay heesihiisa Rap-ka ah, kuwaasoo uu xitaa ku beeri karo fikradaha uu ku biiray.

Ugu dambeyn, sirdoonka Jarmalka yaa aaminsan in illaa 500 oo u dhashay dalkaas ay ka barbar dagaalamayaan ISIS, ayna suuro-gal tahay in qaar ka mid ah ay dalka kusoo lab-taan ayna geysan karaan weeraro argagixiso ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya