4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Abuukar Cawaale - Qaad-diid - oo Abaal-marin lagu Guddoonsiiyay Maanta Magaalada Garoowe (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Abuukar Jaamac Cawaale (Qaad-diid) oo dhawaan soo gaaray magaalada Garowe ayaa maanta abaalmarin ka guddoomiy wasaaradda wax-barashada Puntland ,ka dib kulan soo dhaweyn ah oo lagu qabtay xarunta wasaaradda.

Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada gobolka Nugaal, saraakiil ka socotay wasaaradaha Puntland iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada ayaa ka soo qayb-galay munaasbaddan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Cali ayaa sheegay in Puntland ay taageersan-tahay qorshaha lagu joojinayo Qaadka, iyadoo goobta lagu soo bandhigay waxyeeladdiisa loogana digay dadka cuna halistiisa.

“Waxaan aaminsanahay in Cawaale uu yahay geesi u taagan sidii uu dadka u badbaadin lahaa, qaadku waa mid ka mid ah siyaasadaha dariska ah nagula dagaalamayaan,“ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Tigey oo ka hadlay goobta.

Madaxa ololaha la dagaalanka Qaadka Abuukar Cawaale ayaa sheegay in uu dadaal dheer u galay sidii Qaadka looga joojin lahaa dalka Ingiriiska, isla markaana uu qorshaynayo balaarinta wacyi-galintan.

“Waxaan ka dalbanayaa in shacab-weynaha Soomaaliyeed ay fahmaan khatarta uu leeyahay Jaadka ama qaadka, waayo waa sun, waana ku faraxsanahay hakadka maalmahan galay Jaadki Soomaliya iman jiray ayuu yiri Cawaale.

Ugu danbayn ,Caawale ayaa sheegay in uu bilaabayo qorshe shaqooyin loogu abuurayo hooyooyinka ka ganacsada qaadka si ay u helaan badal fiican, isla markaana u mahad-celinayay cid kasta oo ka qayb-gashay soo dhaweyntiisa Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]