4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Daraasaadka Sare ee Jaamacada Muqdisho oo ay ka qalin-jabiyeen 122 Arday


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 122-arday oo dhameysatay daraasaadka sare  ee Master-ka iyo Diploma oo ay iska kaashanayeen Jaamacadda Muqdisho iyo labada Jaamacadood ee kala ah ASIAE UNIVERSITY iyo OPEN UNIVERSITY ayna ka qayb-galeen qaybaha Bulshada, sida Jaamacadaha, ururrada Haweenka, Dalladaha Waxbarashada ardayda Qalin-jabineysay iyo waaliddiintooda.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay, Maxamed C/qaadir Mursal oo ka mid ahaa ardeydii ka qalin-jabiyay daraasaadka sare ayaa waxaa u mahadceliyay Jaamacada Muqdisho dadaalka ay ku bixisay in aqoon noocaan ah ay dalka keenaan; taasoo markii hore loo aadi jiray waddamada dibada kuna bixi jiray dhaqaale aad u badan, wuxuuna u bogaadiyay arday la qalin-jabinaysay.

Agaasimaha daraasaadka sare ee Wadaagga - Partnership -  Cabaas Cali Tifow ayaa ka warbixiyay in ardayda maanta ka qalin-jabisay ay ahayd ardaydii ugu tirada badnayd, kuwa kalena dhawaan ay qalin-jabin doonaan, wuxuu sheegey inay soo dhaweynayaan ardayda doonaysa inay ka mid noqdaan daraasaadka sare.

Sahro Cumar Maalin oo ku hadlaysay magaca bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Jaamacadda Muqdisho oo ku tilmaantay inay ahayd Jaamacaddii ugu horreysay burburkii dalka dhacay ka hana-qaaday ee Somalia, sidoo kale waxay u mahadcelisay intii ka shaqeysay in dalka ay keenaan waxbarashada daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho.

Dr. Shawkat oo ka socdey hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Somalia ayaa u mahadceliyay Jaamacadda Muqdisho sida ay uga go’an tahay inay soo saarto aqoonyahanno bulshada Soomaaliyeed wax-tar u leh isagoo u soo jeediyay ardayda qalin-jabinaysa inay halkaas kasii wadaan waxbarashadooda.

Dhanka kale, guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa sheegey in daraasaadka sare uu soo maray xilliyo adag oo kala duwan, hase ahaatee wuxuu sheegey in wax lagu farxo ah in arday intaa le’eg ay ka qalin-jabiyaan oo ay qaadanayaan Shahaaadooyinkoodii

“Jaamacadda Muqdisho waxay xubin ka tahay toddoba urur oo caalami ah  kuwaasoo ku howlan tayeynta waxbarashada,“ ayuu yiri Cali Sh. Axmed oo intaa raaciyay. “Inta nool ayay noloshu taabashadu, noloshuna isbedel ayuu ku keenayaa… dadka wax bartay oo sidiinna oo kale ah.”

Ugu dambeyn, guddoomiyuhu wuxuu yiri. “Waa wax lagu farxo in ardayda maanta qaadanaya Master degree-ga ay yihiin hoggaamiyayaal wax tar leh.” Isagoo ka hadlayay dowladda ayuu yiri. “In dowladda aysan yeelin in la sag-saago waxbarashada lana qiyaano ubadka Soomaaliyeed, waana mas’uuliyad culus inaan la yeelin tacliin been ah oo dib dhac keenaya, dadka aqoonta leh waxaan kula talinayaa inay Laaluush IWM iska ilaaliyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya