4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Arday ka Dhameystay Tababbar Saxaafadeed Machadka Warbaahinta Somalia


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Illaa 120-arday ayaa loogu soo gunaanaday tababar saxaafadda Muqdisho, kaasoo ay ka baranayeen Machadka Somalia Media Academy oo bixiya tababarrada saxaafadeed.

Xaflad lagu qabtay xarunta machadka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin xeel-dheerayaal saxaafadeed, xildhibaanno, barayaal jaamacadeed, ururrada shaqaalaha iyo kuwa saxaafadda taageera.

Mas’uuliyiintii xafladda kasoo qaybgalay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan, Axmed Aabbi, Jen. Maxamed Jaamac Qaalib, Prof. Yaxye Ibraahim,  C/raxiin Ciise Cadoow, Faadumo C/llaahi iyo kuwo kale.

Ardayda ayaa mihnadihii ay barteen waxaa ka mid ah sida raadiyaha looga shaqeeyo, wardoonka, daba-galka, anshaxa saxaafadda iyo habka codadka loo duubo iyo kuwo kale, iyadoo oo la isticmaalayo aaladaha casriga ah.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyay ardaydan loo tababaray xifrad ay ku shaqeynsan karaan, waxayna ku baaqeen inaan tababarkan keliya lagu ekeyn. Sidoo kale shaqo-abuuris loo sameeyo, sida ay qabto Faadumo C/llaahi oo ah madaxa barnaamijyada hay’ad ka mid ah kuwa taakuleeya warbaahinta ee Inter-News.

Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo soo noqday wasiirka arrimaha gudaha, marna taliyihii ciidamada booliiska Somalia xilligii dowladdii Maxamad Siyaad Barre, isla markaasina ah qoraa Soomaaliyeed oo ka hadlay xafladda ayaa ku dheeraaday mustaqbalka Afka Soomaaliga iyo sida ay muhiimka ugu tahay in warbaahinta ay xoogga saarto illaalinta iyo kobcinta afka Hooyo.

Sidoo kale, xildhibaan Axmed Aabi oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha bulshada baarlamaanka Somalia ayaa yiri “Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad ay kasoo kabanayso dagaaladii aafeeyay , taasina micnaheedu waxay tahay in aysan tiirar adag ku taagneyn, haddii tiirarkaasi la gil-gilo way dumeysaa, marka saxaafadda waxaan ka codsanayaa in mar kasta ay wax ka eegto dhinaca wanaagga.”

Agaasimaha Radio Muqdisho, C/raxiin Ciise Cadoow ayaa isna sheegay inay muhiim tahay in saxaafadda madaxa-bannaan ay fahmaan in dowladnimadu tahay wax dadka oo dhan ay wada leeyihiin, xitaa iyagana ay qaybtooda ka lee-yihiin, sidaasi darteed wixii wax yeelaya dowladda inay tahay wax dadka oo dhan wada-gaaraya.

Xirfadlayaasha cusub ee warbaahinta kusoo biirey oo shucuur farxadeed iyo raynrayn ay ka muuqatay ayaa mid mid u soo istaagay masraxa, iyagoo ka guddoomay mas’uuliyiintii xafladda kasoo qaybgalay shahaadooyinkoodii.

Machadka Somali Media Accademy ayaa ka mid ah xarumaha tirada yar ee dalka ka furan ee mihnadda saxaafadda ugu tababara suxufiyiinta cusub iyo kuwa shaqeeyaba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya