4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Midowga Yurub oo Kenya ka taageeraysa ka hor-taga nafaqo-darada caruurta


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Yurub, ayaa balan qaaday inuu 84, Milyan oo lacagta Kenya ah ku bixin doono la dagaalanka nafaqo-darrida haysata Caruur ku nool 12, ismaamul oo Kenya ka tirsan.

Maalgelinta Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay tahay mid kor loogu qaadayo xaalada caafimaad ee caruur nafaqa xumidu ay haysto mudada afarta sano ah ee soo socoto.

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Kenya; Margaret Kenyatta, oo ogolaatay iney noqoto Safiir nafaqada Qaranka, ayaa lagu wadaa iney xariga ka jirto mushruucaas oo sanadaha soo socdo Kenya laga fulin doono.

Sidoo kale kooxda u doodda nafaqada carruurta, ayaa sheegtay in Maamul goboleedyada heli doono lacagtaas, looga baahan yahay iney saro u qaadaan ka-hor-taga nafaqo xumida iyo faya dhowrka carruurta.

Dhanka kale ururka Grace Africa oo u xilsaaran abaabulka xukuumadaha qaranka iyo kuwa gobollada, ayaa sheegay in heerarka nafaqo darida Kenya ay hada taagan tahay 35, boqolkiiba, taasoo la micno ah in 10-kii Carruur ahba, ay saddex ka mid ah nafaqo daro hayso. Iyadoo ururkaasna uu ku baaqay in mudnaanta kowaad la siiyo xanaanada dhalaanka, si loo yareeyo dhibaatooyinka Carruurta haysto.

Tababaraha barnaamijyada Grace Africa oo lagu magacaabo James Adede, ayaa sheegay in 2.1 Milyan oo carruur aad u da’yar oo Kenyan ah, ay yihiin 16 boqolkiiba kuwa miisaan-koodu uu aad oga hooseeyo da’dooda.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Kenya, ayaa dhawaan soo abaabushay dood cilmiyeed ku saabsan wacyi galinta; sida ugu fudud ee looga hortagi karo Cudurada ku dhaco carruurta oo nafaqo-xumidy ka mid tahay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya