4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Dowladda Masar oo weydiisatay QM Ogolaasho lagu Fara-geliyo dalka Liibiya


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Madaxweyne dalka Masar, C/fataax Al-Sisi ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay ay gaarto xal ogolaanaya in ciidamada caalamiga ah fara-geliyaan dalka Liibiya.

Al-sisi ayaa sheegay inaysan jirin xal kale oo aan ahayn in faragelin ciidan lagu sameeyo dalka Liibiya si xaaladda loo dajiyo. Isagoo la hadlayay Raadiyoga Faransiiska ayuu yiri. "Ma ogolaan karo in kooxaha xag-jirka ah ee Liibiya jooga ay baabi’iyaan carruurteenna.”

Diyaaradaha dagaalka Masar ayaa duqeymo ka geystay dalka Liibiya, iyagoo beegsaday kooxda ISIS oo isniintii shalay gorwacay 21 qof oo ka mid ah masiixiyiinta Masar.

Kooxaha hubeysan ee ku sugan dalka Liibiya ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii dagaallo ku hayay xukuumadda taagta-daran ee dalkaas ka jirta, kuwaasoo qabsaday deegaanno kala duwan.

Malleeshiyaadkan oo ayaa kula loolamayay xukuumadda Liibiya ee aan iska difaaci karin kooxaha hubeysan gacan ku haynta magaalooyinka waaweyn ee dalkaas oo ay ka mid yihiin Tripoli iyo Tobruk.

Jen. Al-Sisi ayaa ku baaqay in hubka loo qaato si dalka Liibiya xukuumad uu caalamku aqoonsan yahay looga hirgelin lahaa. Kaddib markii ay kooxaha ku loolamaya awoodda dalkaas ay dowladda ka qabsadeen Caasimadda.

"Shacabka Liibiya waa sidii dad maxaabiis ah oo kale, waxaana haysta kooxo xag-jiriin ah," ayuu Al-Sisi u sheegay warbaahinta Yurub, isgaoo raaciyay in raadadkii dagaalladii billowday 2011-kii ay weli muuqdaan kuwaasoo shacab careysan ay xukunka uga tuureen madaxweynihii hore ee Liibiya.

“Howlgalka lagu sameynayo Liibiya waa inuu noqdaa mid la taban karo,” ayuu Al-Sisi mar kale yiri. Iyadoo mar la weydiiyay in diyaaradaha Masar ay mar kale duqeyn doonaan Liibiya ayaa wuxuu ku jawaabay.”Waanu duqeyn doonnaa mar kale. Waxaase loo baahan yahay in inagoo wadajirna aanu mar kale sameyno ficilkaas oo kale.”

Baaqa uu soo jeediyay madaxweynaha Masar ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Masar ay la saxiixatay dalka Faransiiska heshiis ay ku kacayso 5.2 bilyan oo Euro ah kaasoo looga iibinayo 24-diyaaradood oo casri ah.

Ugu dambeyn, telefishinka Masar ayaa sheegay in duqeyntii Isniintii ay dalka Liibiya ka geysteen diyaaradaha Masar lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay dalkaas ku leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ah iyo goobo kale oo uu hub ugu keydsnaa.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka Masar ay ku qaadday Liibiya ayaa yimid kaddib markii kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalkaas ay gowraceen 21-qof oo dhallinyaro Masaari ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay doorteen Al-Sisi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya