4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
Madaxda Galmudug, Ahlusunna & Ximan iyo Xeeb oo gaaray Dhuuso-mareeb


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Hoggaamiyeyaasha maamullada gobollada dhexe Soomaaliya ee Galmudug, Ahlusunna Waljamaaca iyo Ximan iyo Xeeb ayaa gaaray degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud, si ay uga qayb-galaan shirka dib u heshiisiinta ah ee ka socda degmadaas.

Xubnaha tagay Dhuuso-mareeb ayaa waxaa ka mid ah; madaxweynaha Gal-mudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), guddoomiyaha guud ee Ahluusnna, Ibraahim Xasan Guureeye iyo madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb, Cabdi Maxamed Suldaan.

Wafdiyadan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmadaas, iyadoo uu ka hadlay soo dhaweyntooda, guddoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb, C/raxmaan Cali (Geedo-Qorow) oo sheegay in cid walba oo nabad doonaysa ay ku marti-qaadayaan shirka ka socda Dhuuso-mareeb.

“Shirka ka socda Dhuuso-mareeb waa mid looga tashanayo aayaha gobollada dhexe ee Soomaaliya, kaasoo hordhac u ah shirweynaha dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Geedo-Qorow.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Ahlusunna, Galmudug iyo Xirman iyo Xeeb ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, halkaasoo ay dhawaan ku dagaalameen ciidammo kala taabacsan Ahlusunna iyo dowladda Soomaaliya.

“Waxaan ku baaqaynaa in maskaxda iyo muruqa oo dhan la isugu geeyo sidii loo dhisi lahaa maamulka gobollada dhexe lana joojiyo colaadda Guriceel,” ayay si wadajir ah u yiraahdeen mas’uuliyiinta saddex maamul ee ka jira gobollada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu ka sheegay degmada Dhuuso-mareeb in shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somalia uu ka dhici doono Cadaado bisha Maarso ee soo socota.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya