4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2015
SHARMA’ARKE: Haduusan khilaaf iman dalka doorasho waan gaarsiin karnaa


Talaado, Feberaayo 17, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somaia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka digay khilaaf mar kale soo dhex-gala madaxda dalka, kaasoo uu sheegay inuu caqabad ku noqon karo qorshaha Hiigsiga cusub ee Sannadka 2016-ka lagu doonayo in dalka doorasho lagu gaarsiiyo.

Sharma’arke oo ku sugan dalka Canada oo uu kaga qeyb-galayo aaska loo sameynayo hooyadiis oo dhawaan geeriyootay ayaa ka hadlay qorshaha ay xukuumaddiisu doonayso inay wax ka qabto.

“Waqtiga aad ayuu u yar-yahay… qorshaha miiska noo saaranna waxaa ka mid ah sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho sannadkan 2016-ka, haddii aan caqabad dhexdeenna ah aysan imaanna waan gaarsiin karnaa dalka in ay doorasho ka dhacdo,” ayuu yiri Sharma’arke oo u warrramayay VOA-da.

Ra’iisul wasaaraha oo la weydiiyay su’aal ahayd in qaar ka mid ah wasiirada xukuumaddiisa ay siyaasadda ku cusub yihiin, ayuu ku jawaabay, “”Xilalka keliya ayay ku cusub yihiin, balse waa dad siyaasadda muddo kusoo jiray oo xog-ogaal ah.”

Sidoo kale, RW Sharma’arke ayaa sheegay in meel wanaagsan uu u marayo qorshaha maamul u sameynta gobollada dhexe ee dalka, isagoo tilmaamay inay ku xigto maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo labo jeer oo hore soo magacaabay wasiirro ayaa haddana baqdin ka qabsatay inay kalsoonida heli karaan awgeed uu ka laabtay, balse ugu dambeyn wuxuu bishan horraanteedii hor-geeyay golaha baarlmaanka xukuumad dhameystiran, taasoo cod aqlabiyad ah lagu meel-mariyay.

Si kastaba ha haatee, dadka siyaadadda dalka la socda ayaa sheegaya inay xukuumadda cusub yaallaan howlo fara badan oo looga baahan yahay inay qabato ka hor dhammaadka sannadka 2016-ka, si ay dalka doorasho uga dhacdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya